Taliyihii la bedelay Gen. Ibraahim Sh. Muxudiin oo qiray in Al-Shabaab ka awood badan tahay dawlado.

Thursday November 14, 2024 - 13:59:10
Liibaan Jeexoow
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa beryahanba la il-daran jahawareer ka haysta dhinacyo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Isbedello lagu sameeyey taliyeyaasha ciidamada ayaa maalmahan la arkaayay, waxaana ka mida Janaraal Ibraahim Sh. Muxudiin oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga dalka oo xilkii laga qaaday laguna bedelay S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Tallaabadan waa mid ka mida jahawareerka haysta kooxda Villa Somaliya, maadaama Odawaa xilkan horey u soo qabtay, lana bedelay kadib markii uu ku fashilmay.

Janaraal Ibraahim Sheekh oo fashilkiisu kaba sii horeeyey kan Odawaa, ayaa haatanna dhiiqo cagaha lasii galay, hawlihii loo igmadayna dhex hawaarsaday, waxaanay ka fursan wayday in mar kale xilkaasi laga caydhiyo.

Munaasibad xilka loogu kala wareejinayay taliyeyaashan ayaa waxaa ka hadlay Janaraal Ibraahim Sheekh, waxaanu kalmado dardaar-werin iyo duur-xul isugu jira ka jeediyey goobtii kana caddeeyey in dagaalka Al-Shabaab ka dhib badan yahay dagaal dawlado lala galo.

"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuu ku jiraa dagaal aad u weyn, laga bilaabo Gaalkacayo ilaa Raaskambooni ayuu kaga jiraa dagaal, waana dagaal cadow..” ayuu yidhi Janaraal Ibraahim.

Janaraalka oo faahfaahinaya jaxiimada uu cagaha la galay ayaa hadalkiisa sii raacshay "Dagaal dawlado waa ka dhib badan yahay, dagaal jabhadeed waayi, nin kaa maqan kulana jooga, aduu si aad ula dirirto way adag tahay….”.

Taliyaha ayaa intii uu xilkan hayay wajahaayay hawl-gallo si weyn loogu naafeeyey isla markaana dhiig-bax darani uu lasoo dersay ciidankii uu mas'uulka ka ahaa, waxaanay gunaanadkii guul-darrooyinkani sahaydeen oo uu ku waayay xilkiisii.


Related Items

Update cookies preferences