Kalluun fara badan iyo noolo-badeed kusoo caariyay xeebaha Muqdsiho.

Monday December 23, 2024 - 13:22:38
Liibaan Jeexoow
Dhacdo ayay dadka qaar ku sheegeen mid naadir ah oo nuuceeda oo kale aysan ku badneyn gayiga soomaaliyeed ayaa lagasoo wariyay xeebaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa biyaha badweynta Hindiya kasoo butaacay kumanaan Tan oo ah noolaha badda gaar ahaan Kalluunka iyo Yaxaas badeedka.

Lagasoo billaabo deegaanka Jaziira ee Koonfur galbeed magaalada Muqdisho illaa xeebaha degmada Xamarweyne ayaa lagu arkay kalluun tira badan oo banaanka usoo baxay halkaas oo ay kalluumaysatadu billaabeen in ay qab-qabsadaan kheyraadkan oo soo heliddiisa ay juhdi badan ku bixin jireen.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah noolaha badda ee banaanka usoo baxay ayaa ubadnaa Libaax Badeed iyo nuucyada kala duwan ee kalluunka, dadka qaar oo dhacdadan ay filan waa ku noqotay ayaa ka shakiyay caafimaad qabka kalluunka waxayna ka digeen in lagu degdego cunista hilibkiisa.

Kalluumaysatada deegaanka Xamarweyne ayaa ka warbixiyay waxa ay indhahooda ku arkeen iyagoo farxad ka muujinayay kalluunka faraha badan ee daadsan xeebta.

Waxaa la arkayay kalluun tira beel ah oo lasoo geliyay suuqyada magaalada Muqdisho halkaas oo ay kalluumaysatada iyo dadka hilibka mallaayga ka ganacsada ay ku kala baactamayeen iyadoona qiimaha hilibka cad uu aad urakhiisay, halkii kiillo oo hilib kalluun ah ayaa lagu kala iibsanayaa wax ka yar 1 dollar.

Arrintan ayay dadku fasiraado kala duwan ka bixinayaan,dhaqaatiirta ayaa ka digaya isticmaalka hilibka kalluunkan waxayna aaminsanyihiin in walxa sumeysan oo badda gunteeda ay ku daadiyeen maraakiibta shisheeye ay sababtay in noola badeedku uu soo cararo dhanka barriga balse kalluumaysatada ayaa aragtidaas diidan oo sheegaya in hilibkan uu yahay mid caafimaad qaba.

Dadka qaar ayaa arrintan u arka in ay sabab u tahay jarriifka ama jallaabashada xad dhaafka ah ee maraakiibta shisheeye ku hayaan badda soomaaliya arrinkaas oo sababay in noolaha ku nool gunta badda uu kasoo cararo shabaagadaha danabaysan ee shisheeyuhu udhigtay halka dadka qaar ay aaminsanyihiin in dhacdadan ay tahay deeq rabbi uu siiyay soomaalida oo loosoo dhoweeyay kheyraadkii ay dhib badan umari jireen.

Dhacdadan waxay imaanaysaa xilli badda Soomaaliya ay ku sugan yihiin maraakiib nuuca shidaalka baara oo ay leedahay xukuumadda Turkiga waxaana laga yaabaa in arrinkaas uu saameeyay noolaha Badda.

Related Items

Update cookies preferences