Guuldarradii xooganeed ee dowladda Xasan Gurguurte kasoo gaartay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan Raaskaam booni ee gobolka Jubbada hoose ayaa khilaaf iyo kala shaki dhax abuurtay madaxda ugu sarraysa dowladda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhaxgalay Xasan Gurguurte iyo R/wasaarihiisa Xamza Cabdi Barre kuwaas oo ku heshiiyay in dagaal siyaasadeed iyo mid melleeteri lala galo Axmed Madoobe.
Siyaasiyiin mucaarad ah iyo qaaqlayaal caan ka ah baraha bulshada ayaa sheegay in labadan nin ay qarka usaaranyihiin shaacinta khilaafka dhaxdooda ah, lataliyaasha Xasan Gurguurte ayaa usoo jeediyay talo ah in uu xilka qaadis ku sameeyo Xamza Cabdi Barre oo ku fashilmay in uu siyaasad ahaan iyo melleteri ahaan uwajaho Axmed Madoobe.
Dhinaca kale Xamza Cabdi Barre oo kalimad ka jeedinayay shir ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in mas'uuliyiin sarsare oo katirsan xukuumaddiisa ay dabadhilifyo uyihiin dowlado shisheeye, isagoo wejigiisa laga dareemayay caro uu ka qaaday guuldarradii Raaskaambooni ayuu qiray in dhaxdooda ay is khiyaameynayaan.
"Dabadhilif baa inaga dhaxdeena ka buuxsamay oo shisheeye ushaqeys miiran ah, waxaad maqlaysaa hebel oo dowlad heblo xoola ka qaata oo dabadhilif ah,marka waxaan maraynaa marxalad dullinimo ah oo aad uliidata"ayuu ku cataabay Xamza Cabdi Barre.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in Xamza Barre uusan marna soo hadal qaadin heshiiskii khiyaanada ahaa ee Xasan Gurguurte uu isbuucii lasoo dhaafay lasaxiixday Abiy Axmed kaasi oo dhigayay in Itoobiya lasiiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya.