Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulankii dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay wadanka Turkiga ku dhexmaray R/wasaaraha dowladda xabashida Itoobiya iyo madaxa kooxda Villa Soomaaliya.
Sida ay daabacday shabakadad Middle east Eye, kulanka oo saacado badan qaatay ayaa kusoo idlaaday in Abiy Axmed uu helo wixii uu in muddo ah baadi-goobayay oo ah badda Soomaaliya qeyb ka mid ah.
Mas’uul u hadlay xukuumadda Turkiga ayaa sheegay in wada-xaajoodka labada dhinac uu socday ku dhawaad 7 saacadood oo aan kala go' lahayn, iyadoona si toos ah uga qeyb-gelayeen Erdogan oo ah madaxweynaha Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ninka lagu magacaabo Hakan Fidan.
Ilo-wareedyo ayaa shabakadda u sheegay in saacado badan uu Abiy Axmed diidanaa in uu saxiixo wax muujinaya in uu aqoonsanyahay wax la dhaho midnimada Soomaaliya taas bedelkeedna uu ku dheganaa in meesha laga saaro Soomaaliya.
Abiy ayaa diiday in uu ka laabto heshiiskii uu la saxiixday Muuse Biixi hoggaamiyihii hore ee Somaliland taas bedelkeedna wuxuu soo jeediyay in warqadda heshiiska lagu qoro in Itoobiya ay bad ka doonayso Soomaaliya waxaana la aqbalay dhammaan qodobadii uu ku madax adeygayay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in markii wadahadalladu meel adag gaareen uu Turkigu ku cadaadiyay Abiy in uu aqbalo in qoraalka heshiiska lagu soo daro waxaan aqoonsanahay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya iska diiday in uu heshiiska lagu soo daro ka laabashada MOU-ga iyo waxaan aqoonanahay midnimada Soomaaliya.
Wafdigii metelayay kooxda Villa Soomaaliya ayaa markii uu xaalku ku adkaaday cadaadisyo isdaba joog ah iyo goodisna kala kulmeen dowladda Turkiga waxay miiska soo saareen qaanuun gaaleed lagu magacaabo Montevideo kaasi oo la saxiixay sanaddii 1933, heshiiskan ayaa dhigaya in dowlad walba qasab ku tahay in ay aqoonsanto dowladda kale ee dariska la ah.
Shabakadda Middle east Eye waxay warbixinta ay ka qortay heshiiskii Ankara ku sheegtay in Itoobiya ay heshay laba hadaf oo muhiim u ah, tan koowaad waa in ay heshay Marin-badeed, midda labaadna waa in Xasan Gurguurte uu aqbalay in ciidamada Xabashida Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka afrikaanta cusub ee AUSSOM kaasi oo bilaaban doona 25 bisha Janaayo ee sanadda soo socota.
Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in dowladda Xabashida Itoobiya ay isku heli doonto marin-badeed, dekad iyo saldhig ciidan oo ay degsato ciidankeeda badda, waxaana arrinkaas tusaale u ah in Abiy Axmed uu bilo ka hor iska diiday yabooh uga yimid Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa in uu qaato dekadda Taajoora ee dalka Jabuuti balse shardi in uusan saldhig ciidan ka sameysan karin.
Itoobiya ayaa iska diiday dekaddaas lala baryayey waxayna doonaysaa Badda Soomaaliya si ay uga dhisato saldhig ay qeyb uga noqoto loollanka badeed ee ka jira marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab, mana rabto Badda Hindiya ee Soomaaliya waxa kaliya ee ay doonayso waa Badad Cas.