Maalmo kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo jabtay dagaalkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe ee ay ku qaadday deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayay hadane waddaa abaabul kale oo ay ku wiiqayso maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu kulamo aan loo kala kicin uu Muqdisho kula yeeshay siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeedo gobolka Gedo wuxuuna kala hadlay sidii ay uga gacansiin lahaayeen dagaal cusub oo uu Axmed Madoobe uga furo Gedo.
Saraakiil ay isku dhowaayeen Xasan Sheekh isla markaana kala qeyb qaatay duullaankii fashilka kusoo idlaaday ee Jubbada Hoose ayaa la sheegay in ay garabkiisa ka baxeen ayna diideen in ay kala qeyb qaataan dagaal hor leh oo ka dhan ah hoggaamiyaha Jubbaland.
Xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa ka cagajiidaysa in ay hoggaanka u qabato isku dayga lagu doonayo in ciidamo lagu geeyo Gedo si maamulka Axmed Madoobe looga gooyo degmooyin ka tirsan gobolkaas oo maamullada ka jira ay hadda daacad u yihiin Jubbaland.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Gurguurte uu qorshaynayo sidii uu lacago kumanaan kun oo Dollar ah u siin lahaa saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Raaskaambooni wuxuuna doonayaa in isla ciidamadii soo jabay uu Gedo ku daabulo si uu weji kale ugu yeelo loollanka kala dhaxeeya Axmed Madoobe.
Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in tallaabada uu Xasan Gurguurte qaadayo aysan wax cusub kusoo kordhin doonin khilaafka kala dhaxeeya Jubbaland, Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanaddii 2019 sidaan oo kale sameeyay oo Axmed Madoobe ka jaray Gedo balse waxba kama faa'iidin.
Haddii Xamze iyo Xasan oo midaysan ay ciidamadoodu qabsan lahaayeen Afmadoow ama Dhoobleey ayaa la rumeysan yahay in nidaamka Axmed Madoobe uu ligligan lahaa.