Kenya oo qiratay in gaadiid gaashaaman looga gubay qaraxyo ka dhacay gobolka Wajeer + SAWIRRO

Monday December 23, 2024 - 13:26:52
Liibaan Jeexoow
Xilli ay sii kordhayaan weerarada jihaadiyiinta Al Shabaab ee ka socda gudaha dhulalka muslimiinta soomaalida NFD ayay dowladda Kenya walaac ballaaran ka muujinaysaa weeraradaas laayaanka ah ee ciidamadeed lagu dhiig bixinayo.
Dowlada Kenya ayaa  qiratay in Khasaaro  lixaad leh uu askarteeda kasoo gaaray weerarro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dhulka NFD.

Saraakiisha Booliska Kenya waxay si hordhac ah u xaqiijiyeen in 8 askari oo booliis ah ay waxyeello culus kasoo gaartay qarax ay Al Shabaab ku beegsadeen  gawaari nooca qafilan ah oo marayay degaanka khorof xaraar ee Gobolka Wajeer. Sida ay soo tebisay  warbaahinta maxalliga ah ee Kenya.

Sida lagu qoray qaar ka mid ah wargeysyada Kenya, Qarax  ay ku sheegen miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay koox Boolis ah oo  ka koobnayd cutubyo ka tirsan ciidanka Hawlgalada Gaarka ah (Special Operations Group) iyo Cutubka Ilaalada Xuduudaha. Qaraxaas oo burburiyay  gaari gaashaaman ah oo ay saarnaayeen ciidanka la qarxiyay.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiidka ay qaraxyado haleeleen oo isbarkan isla markaana uu burbur xooggan gaaray, mid kamida sawirrada ayaa laga dheehan karay gaariga oo kala firiray sababa laxiriira awoodda qaraxa oo kala daadisay hab dhismeedka gaariga gaashaaman.

Gaadiidkan ay qaraxyada jihaadiyiinta burburiyeen ayaa loo malaynayaa in dowladda Kenya ay kasoo iibsatay dalalka Shiinaha iyo Turkiga kuwaas oo horay wasaaradda difaaca Kenya ula galay qandaraasyo gaadiid gaashaaman looga iibinayo si ay ugu adeegsato dagaalka ka dhanka ah  Al Shabaab.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya sida joornaalada The Nation iyo The Standard oo inta badan qariya khasaaraha ka dhasha weerarada mujahidiintu ay ka fuliyaan gudaha kenya  ayaa soo weriyey in weerarkani uu qayb ka yahay weerarro sii kordhaya oo lagu bartilmaameedsanayo ciidanka salibiiyinta kenya ee ku sugan xuduudda beenaadka  dhulka soomalidu degto ee NFD iyo jubooyinka.

Weerarkan ka dhacay degaanka khorof xaraar ee gobolka wajeer ayay dagaalyahannada Al-Shabaab waxay ku dileen 9 askari oo ciidinka kenya, kuna dhaawaceen 13 askari. Waxaanay weerarkaasi ku gubeen Labo Gaari oo kala ah Taw iyo Kooyal.

Related Items

Update cookies preferences