Dagaallo khasaare dhaliyay oo maanta ka dhacay degmada Doolow iyo deegaanka Kulbiyoow.

Monday December 23, 2024 - 17:03:13
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay mar kale dhex-mareen maleeshiyaad dabadhilifyo ah oo gacan-saar la leh dowladda Xabashida Itoobiya.
Dagaal culus oo saacado badan qaatay ayaa maanta duhurkii degmada Doolow ee gobolka Gedo ku dhex-maray ciidamo kala taabacsan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe.

Goob-joogayaal ku sugan Doolow ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay is dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa billawday kadib markii ciidamo daacad u ah DF-ku ay isku dayeen in garoonka diyaarada ku xannibaan wafdi uu la socday guddoomiyaha gobolka Gedo kaasi oo Kismaayo ka duulay.

Ciidamo gurmad ahaan uga soo baxay degmada Beledxaawo ayaa weerar toos ah kala kulmay ciidamada Xabashida Itoobiya oo markii dambe dagaalka kusoo biiray si ay u taageeraan ciidamada maamulka Jubbaland.

Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkii saacadaha badan qaatay ee maanta ka dhacay Doolow.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda Doolow ay haatan degan tahay waxaana gacanta ku haya ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhintay iska hor'imaad culus oo maanta ka dhacay deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo uu watay guddoomiyaha degmada Badhaadhe ugu magacaaban maamulka Jubbaland weerar jid-gal ah loo dhigay kadibna waxaa dhacay iska hor'imaad culus.

Related Items

Update cookies preferences