Ninka ugu sarreeya Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Ridwaan Xuseen ka dib dhaqdhaqaaq ay Itoobiya ka samaysay Gobolka Gedo maalintii shalay.
Cabdullaahi iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cali-Balcad ayaa maalintii ina dhaaftey ka degay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.
Kulankan ayaa madmadow badan dhaliyey maaddaama xukuumadda fadhigeedu yahay Addis Ababa ay si toos ah uga baxdey heshiiskii Ankara.
Xasan Sheekh oo hadda madaxweyne ka ah Xukuumadda Federaalka ayaa aqbaley in Itoobiya xoog ku qaadato marin badeed laakiin taa beddelkeeda ay aqoonsato madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ka qayb qaateen dhaqdhaqaaq millateri oo ka dhacey Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada xuduud beenaadka ku taalla ee Doollow.
Arrinkan ayaa afkala qaad ku noqday xukuumadda Gurguurte waxaana isla markiiba ay Masar ku dareen dalalka qaybta ka ah howlgalka loogu yeero Nabad Ilaalinta ee Soomaaliya.
Geesta kale Masar ayaa iyana sheegtay in aaney oggolaan doonin damaca gurraca ee ay waddamada qaar ka wadaan Badda Cas iyaga oo ula jeeda Itoobiya.
Itoobiya oo Xasan Sheekh sheegay in aanu la fariisanayn illaa ay ka noqdaan heshiiskii Is Afgarad ee Somaliland ayaa Itoobiya la fariistay iyada oo aaney Itoobiya ka laabban MoU-ga.
Dhanka kale waxa Federaalku ku celcelin jireen in ay Itoobiya ka saarayaan ka qayb ahaanshaha ciidamada "Nabad Ilaalinta” laakiin taasina ma dhicin.
Si kastaba ha ahaatee lama oga waxa ka soo bixi doona wadahadalka u qabsoomay Sambalooshe iyo Ridwaan Xuseen laakiin waxa Sanbalooshe lagu xasuustaa in uu ahaa kooxdii Farmaajo iyo Fahad u xilsaareen dhiibidda muwaadin Soomaaliyeed oo la oran jirey Qalbi-dhagax.