DF-ka oo lacag Laaluush ah siisay Itoobiya iyo Xasan Gurguurte oo booqasho kedis ah ku jooga Ereteriya.

Wednesday December 25, 2024 - 18:04:00
Liibaan Jeexoow
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhax muquuranaysa gebidhaclayn siyaasadeed oo aad udaran isbuuc kadib markii ay dowladda Xabashida Itoobiya usaxiixday qaadashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
48-dii saac ee lasoo dhaafay ayay mas'uuliyiinta ugu sarraysa DF-ka waxay safar aan horay loosii qorshaysan ugu amba baxeen dalal katirsan qaaradda Afrika.

Dowladaha Masar iyo Ereteriya ayaa si adag ugasoo horjeestay heshiiskii A Ankara ee Itoobiya lagusiiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya arrinkaas oo sababay in Xasan Gurguurte iyo labo kamid ah golihiisa wasiirrada ay safarro ku aadaan dalalka Masar,Ereteriya iyo Addis Ababa.

Shabakadda SOMALIMEMO ayaa ogaatay in xukuumadda Xasan Sheekh ay lacago malaayiin Dollar laaluush ah ay siisay R/wasaaraha Itoobiya si uga raalli geliso weeraro afka ah oo horay warbaahinta loo mariyay.

Lacagtan oo si qasab ah looga qaaday ganacsatada Muqdisho ayaa gaaraysay 10 Milyan doollar waxaana Addis Ababa geeyay Cali Balcad oo ah wasiiru dowllaha wasaaradda arrimaha dibadda.

Mas'uul katirsan xafiiska Cali Balcad ayaa dad saaxiibo la ah usheegay in wasiiru dowlluhu uu lacagtan ku wareejiyay lataliyaha amniga ee Abiy Axmed.

Lacagtan oo ah laaluush ah Villa Somalia ay raalli ahaanshiyo uga raadinayso dowladda Itoobiya ayaa loo badinayaa in Itoobiya ay u adeegsan doonto zaad siinta ciidamadeeda duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Dhinaca Xasan Gurguurte ayaa maanta gelinkii dambe booqasho kedis ah oo aan horay loosii qorshaysan ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.

Xasan Sheekh ayaa Asmara kula kulansan Asiyaas Afawarki oo ah kaligii taliyaha maamula Ereteriya, Yemane Gebra Meske oo ah wasiirka warfaafinta Ereteriya ayaa xaqiijiyay in Xasan Gurguurte uu gaaray Asmara uuna wadahadallo ku saabsan arrimaha geeska Afrika layeelan doono madaxweynaha wadankaasi.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha DF-ka uu dadaal ugu jiro sidii uu madaxweynaha Ereteriya ugu qancin lahaa aqbalidda heshiiskii Ankara oo Al Qaahira iyo Asmara ay u arkaan halis weyn in Xabashida qeyb laga siiyo biyaha badda Cas.

Related Items

Update cookies preferences