Xasan Gurguurte oo wajahaya cadaadisyo siyaasadeed ayaa socdaal ku tagay wadanka Jabuuti.

Sunday December 29, 2024 - 11:15:29
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo wajahaya cadaadisyo siyaasadeed oo maxalli ah iyo kuwa caalami ah ayaa weli sii wada socdaallada uu ku marayo dhowr dal oo dhaca geeska qaaradda Afrika.
Xasan Gurguurte oo isbuucii lasoo dhaafay safar aan qorshaysnayn ku tegay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa hadda ugudbay dhanka wadanka Jabuuti.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha Ereteriya uu Xasan Gurguurte usheegay in haddii uu marin badeed siiyo Itoobiya ay xukuumaddiisu wajahi doonto go'doomin siyaasadeed oo mandiqadda ah.

Ereteriya ayaa uga digtay Xasan Sheekh in uu ku dagmo wax ay ugu yeereen dhagarta Abiy Axmed iyo qar iska xoornimadiisa siyaasadeed.

Masar iyo Ereteriya oo bil ka hor uu Xasan Sheekh ladhistay isbahaysi siyaasadeed ayaa Villa Somalia ku cadaadinaya in ayqsan dhaqan gelinkii heshiiskii Ankara kaasi oo ogolaanaya in Itoobiya lasiiyo marin badeed halis gelin kara masaalixda dalalkan ee Badda Cas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xasan Gurguurte uu uu shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu kulan kula leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle.

Gurguurte ayaa wajahaya gebi dhaclayn siyaasadeed wuxuuna kala garan la'yahay sida uu ukala xulanayo dowladaha shisheeye ee uu ka doonayo ciidamada.

Related Items

Update cookies preferences