Burundi oo isku diyaarinaysa sidii ay ciidankeeda u gala bixi laheyd Soomaaliya.

Sunday December 29, 2024 - 11:52:56
Liibaan Jeexoow
Dowladda Burundi ayaa tan iyo sanaddii 2007 markii ugu horraysay aan ka mid noqon doonin ciidamada afrikaanta ee Soomaaliya duullaanka ku jooga.
Mas'uul sare oo ka tirsan milleteriga Burundi ayaa u sheegay wakaaladda wararka faransiiska in ciidamada dowladdiisu aysan ka mid noqon doonin howl-galka cusub ee AUSSOM.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaan caddayn sababta Burundi ay uga hartay howlgalka cusub.

C/qaadir Max'med Nuur oo loo garan ogyahay Wasiir Tiktok ah-na wasiirka gaashaandhigga DF-ka ayaa isna xaqiijiyay in ciidamada Burundi ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Warqad uu u qoray wasiirka difaaca Burundi ayuu wasiirka G/dhigga DF-ka uga codsaday Burundi in ay Soomaaliya u soo dirto koox milleteri oo kala shaqeysa sidii ciidanka Burundi ay uga bixi lahaayeen deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Qoraalkan oo ay warbaahintu heshay ayaa muujinayay in dowladda Burundi ay diiday qoondada uga soo aadday howlgalka cusub sidaasna ay ku qaadacday kasii mid ahaanshiyaha dalladda Afrikaanta ee loogu yeero AUSSOM.

Related Items

Update cookies preferences