Abiy Axmed oo dadka Xabashida Itoobiyaanka ugu bishaareeyay in uu ufulin doono wixii ay boqolaal sano ku taamayeen.

Wednesday September 11, 2024 - 12:19:36
Liibaan Jeexoow
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay xaqiijin doonto arrimo ay muddo sanada ah ku riyoon jireen dadka Itoobiyaanka ah.
Abiy Axmed ayaa kalimad kooban oo uu jeediyay dadkiisa munsaabadda tirsiga sanadka cusub ee Itoobiya (2017) wuxuu ku sheegay in sanadkan gudihiisa uu run ubedeli doono riyada dadka Itoobiyaanka ah.

Farriinta uu Abiy udiray dadka xabashida ayaa sidan udhigneed "Sannadkan cusub ee 2017 (tirsiga Itoobiya), waxaan samaynaynaa taariikh aan hore loo arag oo ubadkeenna mustaqbalku ay ku sheekaysan doonaan. Waxa uu noqon doonaa sannad aan ficil u beddelno qorshayaal waaweyn oo qabyo innoo ah. Waa in aan ku soo gabagabaynnaa wakhtiga iyo sida ugu habboon, Eebbe garabkeenna ha galo maanta iyo berriba.".

Hadalka R/wasaaraha Itoobiya ayay dad badan ufasirteen in uu ula jeedo dullaanka cusub ee ciidanka Xabashidu ay ku yihiin badda Soomaaliya iyagoo boor isku qaris uga dhiganaya heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay lasaxiixdeen Muuse Biixin Cabdi.

Related Items

Update cookies preferences