Masar, maxay kaga fal-celisay heshiishkii Ankara ee Itoobiya loogu saxiixay Badda Somaliya?

Monday December 16, 2024 - 17:21:32
Liibaan Jeexoow
Kulankii Ankara ee Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku kala saxiixdeen heshiiska Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mida Badda Soomaaliya ayaa waji-gabax ku noqday isbahaysigii saddex-geesoodka ee bishii October ay samaysteen Masar, Eritriya iyo Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka Masar, Badar Cabdal Caati ayaa markiiba xiriir dhanka teleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, sida lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee Wasaaradda arrimha dibadda dalka Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa dalka Masar uga war-bixiyey waxyaabihii kasoo baxay shirkii magaallada Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo weliba Turkiga oo kaalinta dhex-dhexaadinta ku magacawnaa.

Wasiir Fiqi waxa uu dhiggiisa dalka Masar u sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la isla soo qaaday sii amba-qaadka natiijada shirkii Asmara ee isbahaysigii Masar, Soomaaliya iyo Eretriya.

Labada Wasiir ayaa la sheegay inay isku afgarteen diyaarinta shir saddex-geesood heer wasiir ah oo u dhexeeya wasiirrada arrimaha dibadda Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya, kaas oo la sheegay in lagu dhaqan-gelin doono awaamiirta kasoo baxda madaxda saddexda dal.

Kooxda Villa Somaliya waxay ka hor-timi sii joogista ciidamada Xabashida, waxaanay dalbatay ciidamo Masaari ah, balse Itoobiya ayaa shikrii Ankara loogu ogolaaday inay qayb ka noqoto hawl-galka isbahaysiga Afrikaanta ee AUSSOM. 

Is-diiddooyin aan marnaba is-waafaqayn ayaa Xasan Gurguurte kasoo wajahaya shirarkii uu indho la’aanta u dhex-socday ee Asmara iyo Ankara, waxaana bannaanka timi hafashada siyaasadeed ee ku habsatay.

Siyaasadda gurracan ee Gurguurte, ayaa waayadan dambe lasoo baxday gabi-dhaclayn heerkeedu sarreeyo, taas oo ka marag-furaysa fashilka siyaasadeed, dhaqaale iyo weliba amni ee dul-hoganaya tan iyo intii uu qabtay xilkan magac-u-yaalka ah.

Related Items

Update cookies preferences