Ex R/wasaare Shirdoon oo saadaaliyey maamul-goboleedyo kale oo qaadi doona dhabbihii Axmed-madoobe.

Tuesday December 17, 2024 - 14:29:45
Liibaan Jeexoow
R/wasaarihii hore ee DF Soomaaliya ayaa sheegay in Xasan Gurguurte uu xaalka dowladda u celiyay sidii ay aheyd sanaddii 2000 isagoona saadaaliyay in dagaallo hor leh ay dhex-mari doonaan maleeshiyaadka Federaalka.
Tan iyo markii maleeshiyaadka DFS sida xun loogu jebiyay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Raaskaambooni ee gobolka Jubbada hoose waxaa isasoo tarayay digashada ka imaanaysa mucaaradka Xasan Gurguurte.

Cabdifaarax Shirdoon oo horay usoo noqday R/wasaaraha DFS ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirtaa ay dhan walba ka fashilantay wuxuuna soo qaatay tusaalooyin muujinaya guuldarrooyinka ku habsaday dowladda ee uu hadda hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

R/wasaarihii hore ee dowladda Federaalka ayaa carrabaabay in Xasan Gurguurte uu meel iska dhigay dastuur ku sheeggii dowladda loo dejiyay islamarkaana uu xaalkeedu taaganyahay sidii uu ahaa sanaddii 2000-tii isagoo ka dardaar weriyay masiirka DFS marka lagaaro bartamaha sanaddii 2026-da kolkaas oo uu ku egyahay mudda-xileedka Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Cabdifaarax Shirdoon ayaa saadaaliyay in maamul-goboleedyada hadda la safan Villa Somaliya ay waqti aan fogeyn iclaamin doonaan in ay qabsanayaan doorashooyin ayna qaadi doonaan dhabbihii uu cagta saaray Axmed Madoobe kadibna ay dagaallo culus dhex-mari doonaan dhinacyada shisheeye kalkaalka ah.

Arrimahan ayaa imaanaya waqti hoggaanka kooxda Villa Somaliya ay wajahayaan hubanti la'aan siyaasadeed isla markaana ay ka goosteen maamullada Jubbaland iyo Puntland, waxaana la saadaalinayaa in maamullo kale ay ka hoos bixi doonaan xukuumadda Xamza Barre.

Related Items

Update cookies preferences