Wakiilka Somaliland u fadhiya Washington, Bashiir Good ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin marti-gelinta saldhig millateri oo Maraykanku ka samaysto dekedda istaraatiijiga ah ee magaallo-marsada Berbera.
"Somaliland waxay diyaar u tahay inay martigeliso saldhig millateri oo Mareykanku ku yeesho Berbera haddii ay ka faa'iideyso danaha wadaagga ah ee dalalka labada dhinac,” ayuu yiri Bashiir Good mar uu dhawaan waraysi siiyey wakaaladda wararka ee TASS.
Sida ay ku warisay TASS, Bashiir Good, ayaa meesha ka saaray in ay jiraan wax dhibaato ah oo xiriirka Muqdisho ku iman kara haddii Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.
"Waxaan isu aragnaa dal madax-bannaan oo leh xorriyad buuxda. Sidaas darteed, waxaan u aragnaa iskaashiga aan la yeelaneyno dalalka saaxiibka ah in uu ku saleysan yahay danaha dalkeenna oo keliya,” ayuu Bashiir ku yiri wareysiga uu siiyay TASS.
Maamulka gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa rajeynaya in Trump uu dal madax bannaan u aqoonsan doono marka uu xafiiska dib ugu soo laabto bisha Janaayo, sida laga soo xigtay falanqeeyayaal ay soo tabisay wakaaladda wararka ee Semafor Africa.
Thomas Wolf, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan xarunta TIFA ee Kenya, ayaa sheegay in Trump, haddii dib loo doorto uu ka faa’iidaysan karo marin-biyoodka Badda Cas ee Somaliland si uu u xoojiyo saameynta Mareykanka ee gobolka.
"Aqoonsiga Somaliland wuxuu siin karaa Mareykanka istiraatiijiyad muhiim ah oo gobolka ah si uu ula socdo ka ganacsiga hubka, uga hor-tago saameynta Shiinaha ee saldhiggiisa milatari ee Jabuuti, iyo inuu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqyada kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen" ayaa lagu yiri warbixin ay daabacday Semafor.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda qaadday tallaabo ay kaga hor-tagayso ol’olaha ay Somaliland ictiraafka kaga raadinayso Maraykanka, waxaana hor-muud ka ah safaaradda Soomaaliya ee magaallada Washington.
Safaaradda ayaa la sheegayaa in ay heshiis la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn qareennada Maraykanka, iyadoo ujeeddadu tahay in la taageero dadaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.
Wargeyska The Africa Report, ayaa daabacay in shirkadda heshiiska lala galay oo lagu magacaabo BGR ay qandaraas ku qaadatay lacag dhan $600,000 USD, muddo 12 bilood ah, si ay saamayn ugu yeelato go’aannada sharciyeed ee Maraykanka ee la xiriira aqoonsiga Somaliland.
Dhacdooyinkan ugubka ah ayaa waxaa kasii horreeyey heshiis xaaraan ah oo madaxii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi uu qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed ugu saxiixay R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed mar sannadkan sii dhammaanaya bilawgiisii ay ku kulmeen magaallada Addis Ababa.
Isku soo wada xooriyoo, maalmahan waxaa aad isu soo taraaya wararka sheegaya in maamulka Somaliland loo aqoonsanayo dal madax-bannaan, taas oo soo xoogaysatay kadib markii xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka uu dhawaan aqalka baarlamaanka hor-geeyay xeer cusub oo u ololaynaya aqoonsiga Somaliland.