Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee maamulka isku magacaabey Somaliland Axmed Cabdi Muuse ayaa wareegto uu soo saarey ku magacaabey Guddi lagu xasilinayo magaaladaas.
"Ka dib markaan qiimaynay xaaladda magaalada Ceergaabi isla markaana tixgelinnay ahmiyadda loo qabo bulsho u abaabulan samatabixinta magaalada waxaan magacaabey Guddida Xasilinta Ceerigaabo” ayaa lagu yiri wareegtada.
Guddida la magacaabey ayaa ka kooban 11 qof oo isugu jira saraakiil ciidan, culimo, xubno gole deegaan iyo dadka shacabka ah.
Magaalada Ceergaabo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay martigelisay khilaaf bulsho oo sababey dagaallo lagu riiqday.
Geesta kale waxa maanta isaguna shir jaraa’id qabtey Wasiir Dawlaha Amniga Somaliland kaas oo ka hadley shaqaaqada ka dhacdey Magaalada Ceerigaabo.
Wasiir Dawlaha ayaa ku baaqey in la joojiyo boobka hantida umadda, guryaha la gubayo isla markaana farey ciidanka in ay sharciga hor-keenaan dadka falalkaas ku kacaya.
Cabdirashiid Maxamed oo ah Wasiir Dowlaha ayaa sidoo kale ka hadley dagaallo dhawaan ka dhacey deegaan lagu magacaabo Dacawaale oo ka tirsan dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato.
Dacawaale waxa dhawaan isku haleelay maleeshiyada Liyuu Booliska iyo dad shicib ah. Waxaanu dadka shacabka ah ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Xukuumadda ka jirta Dowladda Deegaanka ee Mustafe Cagjar garwadeenka ka yahay.