Afar qof American ah oo ku dhintay toogasho ka dhacday magaalada Chicago.

Tuesday September 03, 2024 - 16:54:00
Liibaan Jeexoow
Wadanka Mareykanka weli waxaa kasii socda toogashooyinka gallaafanaya nolosha kumanaan kun oo ruux sanad walba waxaana muuqata in aan weli xal loo helin ka hortagga weerarada nuucaan ah.
4 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gudaha tareen rakaab ah magaalada Chicago oo ku taal waqooyiga Mareykanka, sida ay sheegtay booliiska maxalliga ah, iyagoo tilmaantay in ay qabteen qof looga shakisan yahay geysashada weerarkan.

Booliisku waxay sheegeen in ay uga jawaabeen wicitaan degdeg ah aroortii Isniinta, saldhigga tareenka ee Forest Park ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay heleen afar dhibane.

Saddex ka mid ah dhibbanayaasha ayaa dhintay markii ay gurmadka degdega ah gaareen goobta halka kan afraad uu ku dhintay isbitaalka.

Christopher Chin oo ah ku xigeenka taliyaha booliiska Forest Park, ayaa shir jaraa’id ku sheegay "Dhibbanayaashu dhammaantood waxay ahaayeen rakaabkii tareenkaas, waxaana toogashada ka dhacday laba baabuur oo tareenka ah" .

Waxa uu sheegay in lagu ogaaday qofka looga shakisan yahay dhacdadaasi iyadoo la adeegsanayo muuqaalada kaamirooyinka qarsoon, waxaana la qabtay subaxnimadii sidoo kale waxaa laga helay hub iyo rasaas farabadan.

Dalka Mareykanka waxaa bil walba toogasho lagu dilaa boqolaal ruux sida ay muujinayaan tirakoobyo ay boolisku soo saareen, waxaana falalkan loo sababeynayaa hubka oo dadweynaha gacmaha ugu jira.

Related Items

Update cookies preferences