Xildhibaan jaasuus u shaqeeya dawlado shisheeye ku tilmaamay wasiirka gaashaandhigga DF-ka Somaliya.

Monday November 18, 2024 - 17:00:37
Liibaan Jeexoow
Khilaafka u dhaxeeya kooxda Villa Somaliya dhaxdeeda ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay, xilli ay kala dhaqaaqeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda DF-ka, khilaafkaas oo saameeyay wasiirrada iyo xildhibaannada.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday eedaymo kulul oo ay hawada isku marinayaan wasiirka gaashaandhigga iyo nin lagu magacaabo Murjaan oo ka mid ah xubnaha golaha baarlamaanka.

Ugu horrayn C/qaadir Max'med Nuur oo baraha bulshada loo yaqaan Wasiir Tiktok ayuu xildhibaan Murjaan ku eedeeyay in uu yahay jaasuus u shaqeeya dowlado shisheeye isla markaana lunsaday lacagihii mushaarka ee loogu talagalay maleeshiyaadka dawladda.

Wuxuu sheegay in wasiirka difaaca uu tahluko geliyay boqolaal maleeshiyaad ah kadib markii uu ku guray furimaha dagaalka kadibna ay xoogagga alshabaab gummaad kala dul dhaceen.

Wuxuu tusaale usoo qaatay dagaalladii ka dhacay Masagawaay iyo Masaajid Caliguduud halkaas oo kooxda Villa Somaliya maleeshiyaad farabadan looga laayay.

Wasiirka gaashaandhigga oo isna qoraallo umuuqday aflagaaddo soo dhigayay baraha bulshada isagoo weerarayay xildhibaanada diiday ajandayaasha siyaasadeed ee Xasan Gurguurte wato sida waxa loogu yeero doorasho qof iyo Cod.

Shariif Sheekh axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo rag kale ayaa iyana warbaahinta kasoo muuqday iyagoo eedaymo kulul u jeedinaya madaxa DF-ka Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo umuuqda in ay metelayaan madaxa kooxda Villa Somaliya ayaa iyana jawaasiis khaa'imiin ah ku tilmaamay mucaaradka.

Mar kale xildhibaan Murjaan ayaa Wasiirka Gaashaandhigga ku tilmaamay jaahil qashin ciyaala suuq ah isla markaana qeyb ka ah boobka iyo dhaca lagu hayo bulshada Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences